Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo amray in la xiro goobaha lagu caweeyo wixii ka dambeeya 12:00 Habeennimo

346

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo amarro soo saaray ayaa Mabnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka.

Sidoo kale Guddoomiye Madaale ayaa amray in xiliga habeenka waxii ka dambeeyay 12:00 aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo. Sida lagu yiri Warsaxaafadeed  ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Amarkan ayaa Duqa Magaalada Muqdisho ka sheegay kulan uu Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waday hawgallo ka dhan ah goobaha lagu isticmaalo waxyaabah maanka dooriya iyo kuwa dhaqan xumada, iyada oo Duqa Muqdisho uu Albaabada isugu dhuftay xarumo lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.