Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada oo ka qayb galey shirka Mashruuca Nagaad

26

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), ayaa ka qaybgalay shir muhiim ah oo looga hadlayay Mashruuca Nagaad, oo ah mashruuc lagu hormarinayo caasimadaha dalka. Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka, waxaana lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirka, oo soconaya muddo laba maalmood ah, ayaa lagu falanqeeyay qorsheyaasha horumarinta Magaalooyinka Soomaaliya. Waxaa ka qaybgalay guddoomiyeyaasha Caasimadaha Garoowe, Baydhabo, Baladweyne, Dhuusamareeb, iyo sidoo kale wakiillo ka socda gobolka Banaadir.

Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, oo ku hadlayay magaca magaalada Kismaayo, ayaa warbixin dhammeystiran ka siiyay madaxda shirka halka ay marayso shaqada horumarineed ee ka socota caasimadda ku-meelgaarka ah ee Kismaayo. Waxa uu carabka ku adkeeyay in magaalada Kismaayo ay tahay mid si weyn uga faa’iidaysatay Mashruuca Nagaad, iyadoo maamulka Degmada ay dadaal weyn ku bixiyeen hubinta in mashruucaasi uu ka fogaado wax musuq ah.

Tani waxay muujinaysaa sida maamulka Dagmada Kismaayo ay ugu heelan yihiin inay ka faa’iideystaan mashaariicda horumarineed, iyagoo diiradda saaraya kobcinta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha magaalada. Kismaayo ayaa noqotay tusaale fiican oo ka tarjumaya sida loo maareeyo mashaariicda lagu hormarinayo magaalooyinka dalka.