Xisbiga Himilo Qaran oo sheegay in canshuuraha qaar ay dowladu shacabka ka qaado ay sharci daro yihiin

31

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray Cabashada Ganacsatada ee Canshuurta.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu yiri “Madaxda dowladda Federaalka ah waxaan ugu baaqaynaa inaan dhegaha laga fureysan dareenka shacabka caasimadda oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan kuwaas oo qaarkood ka baxsan xeerarka maaliyadeed”.