Ciidanka Booliiska Jubbaland oo Gacanta Ku Dhigay Maadooriye Iyo Ragii Ka Ganacsanaye

922

Ciidanka Booliska dowlad goboleedka  Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal ka sameeyay xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,.

Inta uu socday howlgalka Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu soo qabtay laba ruux oo Magaalada Kismaayo si qarsoodi ah u geliyay Maandooriyaha loo yaqaano Xashiishka, kadib markii xogtooda laga war helay.

Sidoo kale saraakiisha Booliska Magalada Kismaayo  oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in labada ruux ee gacanta lagu dhigay dhawaan la horgeyn doono Maxkamad, si sharciga loo marsiiyo.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa horey sidaan oo kale loogu qabtay maandooriyeyaal badan iyo raggii ka ganacsanaayay, waxaana laamaha amniga ay digniin u direen dadka arrimahaas ka Ganacsada.