
Dowladdaha Mareykanka iyo Uganda ayaa kulan ka yeeshay dagaalka dhanka ah Maleyshiyaadka Al Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya kadib markii mas’uuliyiin ka kala socday labada dowladood ay ku kulmeen Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa yeeshay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas, mas’uuliyiin ka socda Safaarrada Uganda ee Soomaaliya iyo Madaxa howlgalka ATMIS.
Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula jirto Ururka Al Shabaab.
Danjire inda Thomas ayaa ku ammaantay Dowladda Uganda, gaar ahaan ciidamada ka jooga Soomaaliya sida ay garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka.
Danjire Linda ayaa xustay in Ciidanka Uganda ay ka caawiyaan Dowladda Federaalka soo daabulida askarta ku dhinta ama ku dhaawac dagaalka ka socda dalka.