Dowladda Jubaland ayaa qeybtii ugu dambeysay ee ciidamadii si khaldan loo isticmaalay ee Xasan Sheekh, oo gaaraya 6 askari oo kala tirsan Nabadsugida, Harmacad iyo Ilaaladda Qaranka, maanta ka dirtay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.
Ciidamadan oo nabad qaba ayaa guryahooda ku
noqonaya.
Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Jubaland, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi, iyo Taliyaha Amniga Garoonka Kismaayo, Gaashaanle Dhexe Maxamed Xayi Axmed (Badar), ayaa si wadajir ah usii sagootiyey dhalinyaradan.