Todobaadka Xorriyadda iyo Guushii Gobanimadoonka

110

Waxaan ku guda jirnaa todobaadka xoriyadda ee Soomaaliya,sidaa daraadeed,waxaan soo qaadan doonaa qeyb kamid ah halgasnkii dadka Soomaaliyeed ay u galeen raadinta xoriyadda iyo madaxbanaanida dadka iyo dalka.

Haddaba,dal kasta oo dunida ka jira wuxuu leeyahay maalmo la maamuuso kuna astaysan sooyaalka taariikhda dalalkaasi.Dadka Soomaaliyeed waxay Kifaax taxane ah u soo galeen difaacidda iyo xoreynta dalkooda kaasi oo soo bilaawday qarnigii 15aad, markaasi oo uu gumaystuhu bilaabay inuu soo damaaciyo ciidda Soomaaliyeed.

Maalmahaas qiimaha badan ee ku xusan taariikhda Halganka Gobanimadoonka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah 11 Jannaayo 1948dii oo ah maalin ka mid  ah maalmaha qiimaha badan ee ku xardhan quluubta dadka Soomaalida.

Dadaaalkii iyo kartidii Xisbiga S.Y.L ay ku  Maamulaayeen qadiyaddii gobanimo doonka ee dalka waxay keentay in arinta Soomaalida dhowr jeer la dhaxdhigo  Umadaha midoobay.

Subixnimadii 11kii Jannaayo 1948kii xubnihii SYL ayaa ku dhaqaaqay sameynta bannaanbaxyo iyo dhoollatus lagu muujinaayo rabitaanka dowladnimo ee Soomaaliya,kadib markii Qaramada Midoobay ay dalka u soo dirtay guddi u xilsaaran arrimaha Soomaaliya.

Guddigasi waa ay ahaayeen dawladihii afarta ahaa ee ku guulaystay Dagaal weynihii 2aad ee dunida sida Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Midawgii Soofiyeeti,waxayna ujeedadoodu aheyd Ineey hubiyaan waxa dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.

Xisbiga gobannimadoonka S.Y.L wuxuu  wada tashi uu la yeeshay shacbiga Soomaaliyeed ka dib  uu go`aansaday  afar aragtiyood oo  kala ahaa :-

  1. Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo aan mar labaad loo dhiibi karin dalka Soomaaliya, iyadoo la ogyahay Taliyaanigu inuu  xilligaasi ahaa  dal fashiste ah iyo inuu ummadda Soomaaliyeed uu u geystay dhibaatooyin farabadan dhanka nolosha ah iyo habka dhaqan dhaqaale.
  2. Midda labaadna waxaa la is tusay in Ingiriiskuna aan la aamini karin maaddaama uu yahay dawlad gumeysi oo gun ah, Inkasta oo uu sheegayay inuu doonayo in Soomaalida oo idil uu meel isugu keenayo, loona riyaaqay oo haddana aanan la aamini Karin.

3- in Soomaaliya la siiyo muddo cayiman oo Xornimo gaarsiin ah korna ay ka ilaalinayaan Afarta dowladood ee waaweyn.

4- In mudadaas la diyaariyo nidaamka maamulka iyo dastuurka, si dhamaadka waqtigaas dalka la gaarsiiyo xornimo buuxda iyo madax bannaani.

Dadku waxay iyagoo taageeraya xisbiga ka qeybgaleen abaabulka iyo munasabadda bannaanbaxa, waxaana xaruntii Leegada lagu reebay dad kooban oo loogu talagalay in ay ilaaliyaan.

Isla xilligaasi uu socday bannaanbaxa waxaa taageerayaashii SYL oo ka maqan xaruntoodii soo gaartay qaylodhaan ah in la soo weeraray xarutii SYL oo ay soo weerareen kooxihii Soomaalida ee Talyaaniga taageersanaa si ay uga hortagaan una  carqaladeeyaan bannaanbaxaas.

Intaa ka dib, taageerayaashii SYL waxay isu qaybiyeen qaar difaac ka gala xarunta xisbiga iyo qaar ka hortaga Ciidamadii Talyaaniga. Waxaa maalintaas weerarka lagu dilay 54 Talyaani ah, waxaana lagu dhaawacay 55 kale. Dagaalkaasna wuxuu la magacbaxay HANNOOLATO, waxaa dhanka Soomaalida kaga dhintay maalintaas dad dhowr ah oo ay ka mid ahayd gabadhii caanka ahayd Xaawo Cissmaan Taako. Allaha u Naxariistee.

Inkastoo si guud loo xuso maalmaha xoriyadda haddana,11ka Jannaayo ee 1948-dii,waxa ay leedahay ahmiya gaar ah oo aan la iloobi Karin,isla markaana ku qoran taariikhda halganka Soomaalida,sidaa aawadeed,waa waajib in mar kasta loo istaago xuska maalmaha xoriyadda maxaa yeelay qof aan taariikhdii hore wax ka baran, tan soo socotana ma ogaan karo.