
Waxaa magaalada Kismaayo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay aqoon kororsi ay iska kaashadeen COFP Peace Foundation iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubaland (JUCRI), kaas oo lagu tababaray 15 dhallinyaro ah si ay u noqdaan “Youth Ambassadors,“ kana kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada. Tababarkan wuxuu ahaa mid lagu dhiirrigelinayay is-dhexgalka bulshada iyo xoojinta wada noolaanshaha.
Tababarka oo cinwaankiisu ahaa “From Displacement to Opportunity: Advancing Youth Reintegration, Livelihoods, and Social Cohesion”, ayaa intii uu socday, waxaa si wadajir ah loo falanqeeyay caqabadaha jira, sida dhaawacyada nafsiga ah, helitaanka waxbarashada iyo fursadaha shaqo, iyadoo la xoojiyay fahamka ah in dhallinyaradu yihiin qayb ka mid ah xalka, balse aysan ahayn dhibka.
Ka qaybgalayaashu waxay barteen xirfado muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen hoggaaminta, isgaarsiinta wax ku oolka ah, xallinta khilaafaadka, iyo bilaabista ganacsiyada yaryar. Waxaa si cad loo arkay kartida iyo awoodda dhallinyarada ee ah inay noqdaan hoggaamiyayaal dhab ah oo bulshada u adeega.
Barnaamijka waxaa lagu soo gabagabeeyay ciyaaro oo cinwaankoodu ahaa “Youth Reintegration and Social Cohesion”. Tani waxay ahayd astaan muujinaysa midnimo, wadajir, iyo rajada mustaqbal ifaya oo ay wada dhisanayaan dhallinyaro isku duuban oo leh himilo sare.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







