Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo dalacsiiyay mid kamid ah saraakiisha iska diiday damaca Xassan Sheikh iyo kooxdiisa

26

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) Taliyaha aaga Waqooyi ee Magaalaada Kismaayo ee Ciidanka Booliska Jubbaland oo si geesinimo ah u diiday damaca guracan ee Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaalaha ku Kala furfurayay Ciidamada Dowladda Jubbaland u dalacsiiyay darajada gaashanle.

Gaashanle Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) ayuu Xasan Sheekh Maxamuud lacag gaaraysa 90,000 kun oo dollar ugu soo diray si uu u hogaamiyo afgambi la doonayay in lagu dumiyo Dowladda Jubbaland iyadoo howshaas Xasan Sheekh Maxamuud uu u soo wakiishay Maxamuud Fanax oo ahaa Gudoomiyahii hore ee Degmada Badhaadhe oo hogaaminayay duulaankii lagu soo qaaday Dowladda Jubbaland ee sida gardarada ah Ciidamada loogu soo daabulay deegaanka Raaskambooni oo 13sano kahor ka xoroobay Khawaariijta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay sarakiisha iyo shacabka reer Jubbaland oo iska diiday damaca guracan ee la doonayay in xasarado lagaga abuuro deegaankooda.