Dowlada Jubbaland oo ku guulaysatey heshiisiinta beelo walaalo ah oo dhawaan dagaalamay.

78

Dowladda Jubaland ayaa ku guulaystay in dib-u-heshiisiin loo sameeyo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Iyadoo kaashanaysa mas’uuliyiinta deegaanka, dowladda Jubaland ayaa dhexdhexaadin ku samaysay labada beelood, waxaana ugu dambeyntii la gaaray heshiis buuxa.

Beelaha ayaa ku heshiiyey in colaadda la joojiyo, isla markaana la xoojiyo wada noolaanshaha iyo iskaashiga ka dhaxeeya bulshada ku wada nool degmada Luuq.
Heshiiska ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Jubaland ee ku aaddan nabadeynta iyo xasilinta gobolka, waxaana lagu ballamay in la fuliyo qodobbada lagu heshiiye, si loo dhameeyo khilaafka ka dhashay dagaalka.

Odayaasha dhaqanka ee beelaha ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay heshiiska, iyagoo ballanqaaday in ay fulin doonaan qodobbada lagu heshiiyay.
Maamulka degmada Luuq, saraakiisha amniga, iyo maamulka gobolka ee wakiilka ka ah dowladda Jubaland, ayaa sheegay in maamulka gobolka uu fulin doono qodobbada ay ku heshiiyeen beelaha degmada Luuq ee dhawaan ku dagaalamay.

Dowladda Jubaland ayaa si gaar ah uga shaqeynaysa xasilinta iyo ilaalinta amniga gobolka Gedo.