Dhageyso:Noocyo Kamid ah Qudaarta oo laga waayay Suuqyada Magaalada Kismaayo

270
Gray white simple modern Thesis Defense Presentation - 1

Xiligaan oo lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaanka Ayaa waxaa dadka reer Kismaayo ay si xoog leh ay u iibsadaan qudaarta  qaraha iyo batiiqa kuwaasi oo galay booskii qudaarta ka maqan xiligaan suuqyada Kismaayo sida cambaha iyo babaayga.

Qaar ka mid ah dad iibiya qudaarta oo aan kula kullanney suuqa qudaarta Kismaayo ayaa waxa ay inooga warameen qiimaha la iibiyo qudaarta gaar ahaan Qaraha,Batiiqa iyo  Qajaarka oo xiligan lagu guda jiro Ramadaan aad uga soo go’ay beeraha waxa ayna sheegeen  in hada qiimaha qudaartaasi uu sara ukac ka jiro maadaama la waayay Qudaar uu kamid yahay Canbaha

Waxaa ay ganacsatada  ku sheegeen sara ukaca ku yimid qiimaha qudaarta inay tahay  fatahaadii Elnino oo saamayn xoog leh ugaysatay beerihii ay ka bixi jireen qaybaha kala duwan ee qudaarta.