Ciidamadii ugu Badnaa Ee la Dagaalamayo Khawaarijta Al-Shabaab Oo Lasoo Bandhigay

525

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe  Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray Degaanka Biya-Cade ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo kamid degaanada laga saaray Al-Shabaab

 

Gudoomiyaha iyo Xildhibaanada ayaa socdaal kuso maray wadooyinka soo gala Degaanka  iyo kuwa ka baxa, waxaana  Shacabka Degaanka ay u muujiyeen soo dhaweyn iyo sida ugu faraxsanyihiin in mas’uulyiinta soo gaaraan Degaankan Biya-Cade

 

Mas’uulyiinta ayaa kulan dhiiragalin ah la qaatay Ciidamada dib u xureynta Degaanka ee Macaawiisley oo diyaarsan iney iska difaacaan weerarada Al-Shabaab degaano badana ka saaraan.

 

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in Degaankan Al-Shabaab dib u dhigeen balse hadda ay iska xureeyeen islamarkaana laga hirgalindoono adeegyada Aas Aasiga ee Bulshada.