Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kasoo horjeesatay Xeerarka ay ka doodayaan Golaha Shacabka

965

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay kasoo horjeesteen Afarta Xeer oo laba kamid ah ay Golaha Shacabka ansixiyeen iyo kuwa ay haatan doodiisu ay wadaan Xildhibaannada Golaha Shacabka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyay qoraalkii Guddoomiyaha Aqalka uu ku sheegay in waxka bedel lagu sameeyay Xeerarkii labada Aqal ay usoo gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta Xeerarka doorashooyinka oo ay ka doodayaan Baarlamaanka.

Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa ay sheegtay inaysan aqbali dornin doorasho ku yimaada Xeerarka ay ansixiyeen Golaha Shacabka,iyada oo aan wax wadatashi ah laga yeelan,waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka loogu baaqay inay hakiyaan dooda Xeerarka inta uu ka qabsoomayo Shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.