
Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka oo weli howlgallo ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay Al-Shabab ah kala lawareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.
Howlgalka oo la qaaday xalay Saqdii Dhexe ayay Ciidamadu kula wareegeen degaannads Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, Isla markaana kuyaalla wadada xiriirisa Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgallada ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Ururka Al-Shabaab, Isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.
Dhinaca kale Ciidamo ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan & Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa ka socda degaano hoostaga degmada Maxaas, iyaga oo sidoo kale la wareegay degaano dhowr ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







