Dhageyso:-Puntland oo faah faahisey qaraxyo ay qabteen

877

Taliska Booliska Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen qaraxyo miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo laga helay mid kamid ah Xaafadaha Boosaaso.

Miinada la qabtay oo ah nooca dhulka lagu aaso ayaa lagu qariyay guri ku yaal magaaladda Bosaaso sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamed.

War kasoo baxey Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska Gobalka Bari Oo kaashanaya Ciidamada PSF ay Fashiliyeen Qarax Miino oo lagu qarinayey Guri ku yaalla Aaga Masjidka Rashiid Ee Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari Gashaanle Sare Xusseen Cali Maamuud ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalka ay ku qabteen waxyaabaha qarxa.