Wafdi ka socda Mareykanka oo Muqdisho kula kulmey Siyaasiyiinta Mucaaradka

1056

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Afrika Tibor Nagy oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay Xildhiaanada Mucaaradka ah ee ku jira Golaha Shacabka.

Xildhibaanada uu la kulmay oo kala ah Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Faarax Sheekh Sheekh Cabduqaadir ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo kala duwan, amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka in waqtigooda ku dhacaan.

Waxaa kaloo Kaaliyaha la kulmay Xubnaha Ururada Bulshada Rayidka oo uu ka dhageystay warbixino kala duwan oo ahaa dhinacyada xuquuqda aadanaha, aragtida bulshada ee ku aadan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa muddooyinkan waday dadaalo la xiriira inay isku si ula hadasho dhammaan dhinacyada Siyaasadda Soomaalida, isla markaana albaabada u furay dhinacyada mucaaradsan dowladda, si loo helo siyaasad mideysan, loona gaaro in dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay