Maxey ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo Safiirka Ingiriiska?

875

Siciid Cabdullaahi deni Madaxweynaha Puntland ayaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socotay safaaradda dalkaasi.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay, dhammaystirka mashaariicda hadda socota iyo qorshaynta mashariic horleh.