Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Hirshabeele oo la xaliyay.

1163

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku guuleystay inuu dhex dhexaadiyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre, kaddib markii uu xalay kulan casho ah uu hoygiisa Muqdisho ugu sameeyay.

Kulankan ayaa waxaa xal looga gaaray, laguna soo afjaray khilaafkii ka dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle,

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay Madaxweynaha Hirshabeelle, Kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gacmaha is heysta, isla markaana muujinaya xal ka gaarista khilaafkooda.