Guddiga Qabanqaabada Munaasabada Dhaarinta Oo Shaaciyay War Kusaabsan Dhaarinta Xildhibaanada

697

Guddiga Qabanqaabada munaasabada dhaarinta xildhibaanada baarlamaanka 11aad ayaa sheegay inay tiradii ugu badnayd ee xildhibaano ah ay goordhaw soo gaareen magaalada muqdisho kuwaas oo dioonayo inay qayb ka noqdaan dhaarinta xildhibaanada.

xubnaha maanta gaaray magaalada muqdisho ayaa isaga kala yimid xarumaha dowlad goboleedyada sidda jubbaland, hirshabeele,galmudug iyo puntland waxaana xubnahaan ay ahaayeen kuwa horay uqaatay shahaadad xildhibaanimo iyo kaararka aqoonsiga

munaasabada dhaarinta ayaan lagu wadaa inay dhacdo maalinka barito oo ay taariikhda ku asteysan tahay 14aprill 2022 waxaana muuqata inay xafiisyada ay qusayso arimaha doorashada dalka ay wadaan dadaalo lagu dhaqangalinayo jadwalka munaasabada dhaarinta.

dhanka kale munaasabada dhaarinta ayaan la filayaa inay goob joog ka noqdaan xubno kasocda wakiilada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

halkaan kala soco wixii ku soo kordha wararkaani