Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin: 1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa 2. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Wararka kale aan helnay ayaa sheegaya in sidoo kale Maanta qorshuhu ahaa in Golaha Shacabka la horkeeno Sharciga Kalluumeysiga, balse Wasiirka Kaluumeysiga uu ka cudur daartay.

447

Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa Talaadadi shalay nolol loogu tagay oo laga soo badbaadiyay darbiyada burburay hoostooda, hal todobaad kaddib, dhul-gariirki xoogganaa ee garaacay Turkiga iyo Suuriya.

Kuwa lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaal ah oo mid uu ahaa 17 jir kan kalana 21 sano jir. Labaduba waxaa laga soo bixiyay guri dabaq ah oo ka mid ah guryaha ku burburay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkeye.

Magaalada Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabar iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka badan 200 oo saacadood.

Mid ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa kooxaha gurmadka u sheegay, in wali ay jiraan dad nool oo ku go’doonsan burburka hoostiisa.

Tirada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000.

Kumannaan kun oo qof ayaa hooy la’aan ah xilli darajada qaboowga xilliga qaboobaha ay tahay mid aad u daran.