
Xubnaha guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka ee heer federaal ayaa maanta doortay guddoomiye cusub ka dib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa soo xaadiray 18-xubnood, waxaana xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka loo doortay Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay 18-cod.
Doorashadan ayaa timid, ka dib markii guddoomiyihii hore ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka Qaranka Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Abyan Nuur uu geeriyooday

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







