Tababar looga hadlaayey maaraynta masiibooyinka iyo ka hortaga khataraha oo Kismaayo lagu qabtay.

1014

Wasaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Jubbaland ayaa waxay manta tababar u furtay qeybaha kala duwan ee bulshada sida culimmada, odayaasha dhaqanka ,ururada haweenka , dhalinyarada iyo qaar ka mid dadka naafada ah.

Tababarkaan ayaa waxaa looga hadlaayey yaraynta khataraha iyo masiibooyinka,waxaa uuna soconayaa sadex maalin, waxaana ka Fa’iidaysanaya dad tiradoodu gaarayso sodon qof oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana tababarka daahfuray agaasimaha wasaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland Cabdi Rashiid Cumar Faratoon.

Kulankaan ayaa waxtar weyn u leh dadka ka qayb qaadanaya tababarka maadama dalka soomaaliya uu unugulyahay khataraha iyo masiibooyinka.

Agaasime Cabdi Rashiid Cumar Faratoon ayaa faray in sifiican looqaato casharada iyo wacyigalinta ku saabsan yarenta khataraha inta badan ka dhaca deegaanada iyo degmooyinka Jubbaland.

“Masiibada Alle ayaa keena balse waa layarayn karaa, Tu’saale qof dagiraba wabiga jiinkiisa hadii aad dhahdo halkaan qatar ayaa ka imaan kartaa iskadaa waxad yaraysay masiibo dhici lahayd”Sidaas waxaa yiri agaasimaha wasaradda gargaarka iyo maraynta masiibooyinka Jubbaland Cabdi Rashiid Cumar Faratoon.