Barlamaanka Jubbaland oo manta ansixiyey xeerka maalgashiiga Jubbaland

860

Barlamaanka Jubbaland oo manta ansixiyey xeerka maalgashiiga Jubbaland
Golaha Barlamaanka Dowlad Gobbledka Jubaland ayaa manta yeeshay kal fadhigii sedaxaad fadhigiisa 9aad kaas oo ahaa Ajanduhu ansixinta xeerka maalgashiga iyo shatiyada ganacsiga oo ay baarlamaanka horay ugu soo gudbisay wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland,Kulanka Golaha Barlamaanka Jubbaland ayaana waxaa soo xaadiray 55 xildhibaan.
Cali Cabdulaahi Ibraahim gudoomiyaha gudiga ganacsiga Baarlamaanka Jubbaland Ayaa sharaxaad ka bixiyay wax yaabaha ku qoran xeerka la horkeenay barlamaanka isagoona ka hadlay muhiimada uu xeerka leeyahay waxaa uuna sheegay in horay loo soo mariyay golaha wasiirada Jubbaland ugu danbayna maanta ay ansixiyeen golaha Barlamaanka Jubbaland.

“Xeerkaan waxaa uu u gaar u yahay iyo shatiyada wasaaradda ganacsiga Jubbaland, ganacsigana waa wax la dhoofinaayo iyo wax lasoo dejinaayo baarlamaanka Jubbaland oo ay goob joog ka ahaayeen 55 xildhibaan ayaana dhamaan tood si gacan taag ah ku ansixiyay xeerka” ayuu yiri gudoomiyaha gudiga ganacsiga Barnaamishka Jubbaland Cali Cabdulaahi Ibraahim
Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland oo Golaha ka hor hadlay ayaa waxaa uu sheegay in xeerka uu qoraayo qiima dhimis lagu sameeyay qaadashada shatiyada ganacsiga,isagoona sheegay in looga gol leeyahay in ganacsatadu ay dhankooda qiima dhimis ay ku sameeyaan badeecooyinka ay keenayaan magaalada.
“Qiima dhimis badan ayaa ku sameenay qaadashada shatiyada waxaan ugu talagalnay in iyaguna ay ku sameeyaan Qiimo dhimis badeecooyinka ay keenayaan si bulshadu ugu faa’iideysato looguna naxariisto” ayuu yiri wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland.
Xeerka maalgashiga iyo shatiyada ee maanta baarlamaanka Jubbaland ay ansixiyeen ayaa waxa uu waxa uu wax ka bedelidoonaa ganacsiga Jubbaland hadii la dhaqan geliyo.