Jubbaland oo mamnuucay xidhashada Indhashareerka

1129

Ciidammada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale adkeeyey joojinta xirashada indhashareerka ( Niqaabka), Arrintaan ayey sheegeen in ay ciidammadu uga goleeyihiin adkeynta amniga maaddaama ay cadowga ummaddu u isticmaali karaan falal amniga liddi ku ah.

Dhowr sanno ka hor ayey ahayd markii amar ka soo baxay Jubbaland lagu Mamnuucay xirashada indhashareerka xiligaas oo ay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab isku dayeen in ay rag u soo galiyaan indhashareer si ay isugu ekaysiyaan dumarka Soomaaliyeed kadibna u  dhibaateeyaan dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

Taliyaha ciidammada Booliiska Jubbaland  Sidiiq Maxamuud Xassan (Dhogor)oo la hadlay warbaahinta Jubbaland ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 23 Maay 2021 la  joojinta xirashada Indhashareerka si loo adkeeyo amniga guud ee shacabka Jubbaland.