Sidee manta looga Ciiday magaalada Kismaayo

1056

Dabaaldegga maalinta 1-aad ee ciidul Fitriga ayaa laga dareemayaa magaalada Kismaayo,  iyadoo saaka  ay dadka magaalada isugu soo baxeen goobaha loo asteeyey in lagu oogo salaada ciida oo ay ka mid yihiin garoonka weyn ee kubadda cagta ee waamo, maxfalka iyo masaaajida kala duwan ee magaalada kismaayo .

Goobaha saalada lagu tukado ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal kamid ah dadka ku nool magaalada kismaayo, waxaana si wayn loo adkeeye amaanka meelaha salaada lagu tukanayey oo lagu arkayey ciidamada kala duwn ee dowlad goboleedka jubbaland  oo su gayey amniga dadka musaliinta ah.

Waxyaalaha cusub ee ciiddan waxaa kamid ahaa in saraakiisha sugeeysay amniga ay u qeeybinayeen shacabka salaadda ku oogayey garoonka kubadda cagta, Afxirka ama Maasgaraha looga hortago cudurka dilaaga ah ee Corona Virus.

Sheikh Cali Nuur Sh Aadan Sh ibraahim oo ah madaxa culimada jubbaland oo madashii lagu oogayay salaadda qudbad  ka jeediyey ayaa ka waramay fadliga ciida ciida isagoona oogu hambalyeyey dadka somaaliyeed ciidul fidriga wuxuu sidoo kale u duceeyey waalaalaheen falastiin oo ay dhib kuhayaan gumeystayaasha yahuuda in uu ilaahey kadul qaado.

Guud ahaan caalamka ayaa manta waxa si isku mid ah looga dabaal dagay munaasabada ciidul fidriga,  iyada oo ay dadka muslimiinta ah ay si isku mid ah uwada ciideen manta, mana jirin wax qilaaf ah oo soo kala dhex galay guud ahaan umada muslimka ah.