Madaxwayne Kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland oo dadwaynaha Jubbaland ayaa Bulshada ugu ugu baaqay in ciidanka amniga ay kala shaqeeyaan sugida nabad galyada

736

Madaxwayne Kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdiqadir Haaji Maxamuud Luga-dheere ayaa manta boqolaal dadwaynaha salaada ciidul fitrida kula tukaday Garoonka Kubadda cagta ee Waamo .

Cabdiqadir Xaaji Maxamuud oo la hadlay dadwaynaha salaada ku tukanaayey Garoonka diyaaradaha ayaa ugu horayn ugu hambalyey Bulshada Jubbaland iyumadda Soomaaliyeedba munaasabada Ciida.

Sidoo Kale Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland ayaa dadwaynaha ugu baaqay in ka Shaqeeyaan Amniga deegaanada Jubbaland,loona baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubbaland.

“manta waxaan haysanaa nabad galyo buuxda,waa in aan ka wadashaqaynaa adkaynta Amniga iyo waana in dadwaynaha Jubbaland ciidanka ku howlan sugida Amniga gacan ka siiyaan”sida waxaa Radio Kismaayo u sheegay Madaxwayne ku xigeenka 2-aad Jubbaland Cabdiqadir Xaaji Maxamud