Xubin ka tirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta dowladda Jubbaland

0
104

Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow isu soo dhiibay Cabdiraxmaan Maxamuud Cali, oo magaciisa afgarashada uu yahay Towfiiq, kana tirsanaa kooxda argagixisada Al-Shabaab muddo hal sano ah.

Ciidanka Daraawiishta oo muddo la socday xogta ninkan ayaa uga hortagay duleedka degmada Afmadow, halkaas oo uu si nabad ah isugu soo dhiibay.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in sababta uu isu soo dhiibay ay tahay duruufaha adag ee ka jira kooxda khawaarijta, isagoo xusay inay soo wajahday dhibaatooyin isdaba joog ah, kala shaki iyo firxad sii kordheysa oo saameeyay xubnaha kooxda.

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ayaa soo dhaweeyay is-dhiibistiisa, iyagoo ugu baaqay xubnaha kale ee weli ku jira kooxda Al-Shabaab inay ka faa’iideystaan fursadda isdhiibista, kana soo laabtaan fikirka qaldan si ay uga mid noqdaan bulshada.

Is-dhiibistan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidamada Dowladda Jubbaland ay ku wiiqayaan kooxda argagixisada .Al-Shabaab, iyadoo howlgalada amniga iyo dhiirrigelinta isdhiibista ay sii socdaan.