
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025 ayaa si habsami leh uga bilaabmay magaalada Baardheere. Ardayda ayaa saaka u fariistay imtixaanka iyagoo muujinaya dadaal, diyaargarow, iyo niyad wanaagsan.
Wasaaradda Waxbarashada Jubaland oo ka go’an horumarinta waxbarashada guud ahaan deegaannada Jubaland, waxay ardayda u rajeyneysaa guul iyo mustaqbal ifaya. Wasaaraddu waxay sidoo kale ku bogaadineysaa waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta aqoonta jiilka cusub.