Xeer-ilaalinta Jubbaland iyo booliiska oo baaritaanno ku sameeyay laba kiis oo dil ah oo ka dhacay Cabdalle Biroole iyo Buula-xaaji

0
2
Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Jubbaland iyo taliska qaybta guud ee booliiska gobolka Jubbada Hoose ayaa  booqasho shaqo ku tagay deegaannada Cabdalle Biroole iyo Buula-xaaji, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno la xiriira laba kiis oo dil ah.
Wafdiga oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdishukri Maxamuud Golos, ayaa waxaa socdaalka ku wehelinayay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Jubbaland, Captain Cumar Xujaale Cabdi, iyo Agaasimaha Xafiiska Xeer-ilaalinta, Mudane Maxamed Cismaan Cali.
Ujeeddada socdaalka ayaa ahayd baaritaanka laba kiis oo dil ah oo ka kala dhacay duleedka deegaannada Cabdalle Biroole iyo Buula-xaaji Iyo Labada kiis ayaa la xiriira eedeymo loo jeediyay laba haween ah oo lagu tuhunsan yahay inay sun ku dileen raggoodii.
Baaritaannada ayaa si nabad ah ku soo dhammaaday, iyadoo la ururiyay dhammaan agabkii la tuhunsanaa in loo adeegsaday falalka dilka, sidoo kalena la wareystay dhammaan dadkii xogta iyo macluumaadka ka hayay dhacdooyinka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada hay’adaha garsoorka iyo amniga Jubbaland ee ku aaddan baarista kiisaska dembiyada iyo xaqiijinta caddaaladda.