Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubbaland oo Soo Xiray Aqoon-is-weydaarsi Lagu Horumarinayay Qorista iyo Daabacaadda Cilmibaarista

0
2
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubbaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Aqoon-is-weydaarsiga Qorista Maqaallada Cilmiyeedka iyo Daabacaadda Cilmibaarista, oo lagu qabtay magaalada Kismaayo intii u dhaxaysay 1–9 September 2026.
Aqoon-is-weydaarsiga oo ay si wadajir ah u agaasimeen Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyo CEIPR, ayaa lagu xoojiyey aqoonta iyo xirfadaha howlwadeennada caafimaadka ee ku saabsan qorista cilmi-baarista, diyaarinta maqaallada sayniska iyo daabacaaddooda,
waxaana daadihinayey Dr. Abdullahi Ahmed Tahliil, oo ah Khabiirka Maareynta Gurmadka Degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha ee Wasaarradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Agaasimaha Guud ee Xarunta CEIPR.
Wasiirku wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in adeegyada, siyaasadaha iyo barnaamijyada caafimaadka lagu saleeyo caddayn cilmiyeed iyo xog la isku halayn karo.
Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo cilmi-baarista iyo aqoonta bahda caafimaadka, si loo helo adeegyo caafimaad oo tayo leh oo ku salaysan caddayn cilmiyeed.
SHARE
Previous article