0
4
GOLAHA MIHNADLAYAASHA CAAFIMAADKA JUBALAND (JHPC) OO KULAN WADA-TASHI AH LA YEESHAY XIRFADLAYAASHA ILKAHA
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Jubaland (JHPC) ayaa maanta kulan muhiim ah oo wada-tashi ah la yeeshay xirfadlayaasha caafimaadka ee ka shaqeeya adeegyada caafimaadka ilkaha (Dentistry) ee Jubaland.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray tayeynta adeegyada caafimaadka ilkaha, ilaalinta anshaxa iyo heerarka mihnadeed, nidaaminta iyo diiwaangelinta xirfadlayaasha ilkaha, iyo horumarinta tayada adeegyada iyo badqabka bukaanka.
Shirka waxaa shir-guddoominayey Xoghayaha Guud ee JHPC, Dr. Abdirisak Mohamed Abdi (Gaaxnuug), waxaana ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha iyo xirfadlayaal ka shaqeeya adeegyada caafimaadka ilkaha.
Kulanka ayaa sidoo kale fursad u ahaa in la dhageysto talooyinka, aragtida iyo caqabadaha ay la kulmaan xirfadlayaasha ilkaha, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn, wada-tashi iyo iskaashi joogto ah si loo horumariyo xirfadda iyo adeegyada caafimaadka ilkaha ee Jubaland.
JHPC waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa dhammaan xirfadlayaashii iyo xubnihii ka qaybgalay kulanka, waxayna rajaynaysaa in wada-tashiyadan ay sii xoojiyaan nidaaminta mihnadaha caafimaadka, tayada adeegyada iyo badqabka bukaanka.
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Jubaland (JHPC) waxat u taagan yihiin
Dhisidda mihnad caafimaad oo tayo leh, anshax leh, isla-xisaabtan leh
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Jubaland oo Kulan Wada-tashi ah la Yeeshay Xirfadlayaasha Caafimaadka Ilkaha