
Golaha Wasiirada Jubaland ayaa yeeshay kulan aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland, ahna Kusimaha Madaxweynaha, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo duqeyntii ka dhacday Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo si qoto dheer looga dooday xaaladda ka dhalatay dhacdadaas iyo mowqifka cad ee Dowladda Jubbaland.
Dowladda Jubbaland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga inay ka gudbeen xayndaabkii siyaasadda, isla markaana ay qaadeen tallaabooyin ka baxsan xadka siyaasadda iyo dastuurka dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu iclaamiyey in guud ahaan Jubbaland laga qaban doono bannaanbaxyo waaweyn, kuwaas oo lagu muujinayo mowqifka shacabka iyo Dowladda Jubbaland ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Gobolka Gedo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







