
Guddiga Maaliyadda Jubbaland oo soo gudbiyey Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025.
Guddiga Maaliyadda iyo Hanti-dhowrka Dowladda Jubbaland ayaa soo gudbiyey xisaab-xirka miisaaniyadda sannadlaha ah ee Dowladda Jubbaland ee sanadkii 2025.
Xisaab-xirka ayaa guddigu horgeeyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland, Mudane Hiirad Ismaaciil Maxamed, iyadoo ujeeddadu tahay in la qiimeeyo habka loo maareeyey loona fuliyey miisaaniyaddii Dowladda ee sanadkii 2025.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Jubbaland, Mudane Hiirad Ismaaciil Maxamed, ayaa kulanka ugu horreyn ka faahfaahiyey ujeeddada iyo muhiimadda xisaab-xirka miisaaniyadda.
Guddiga Maaliyadda iyo Hanti-dhowrka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in si hufan loo maareeyo dakhliga iyo kharashaadka dowladda, iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta maaliyadeed.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guud ee Hanti-dhowrka Jubbaland, Mudane Bashiir Maxamed Bahale, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Golaha Wakiillada xisaab-xirka miisaaniyadda sannadlaha ah ee Dowladda Jubbaland ee sanadkii 2025.
Xisaab-xirka miisaaniyadda ayaa muhiim u ah hubinta in dakhliga iyo dhaqaalaha dowladda loo adeegsaday qorshayaashii, mashaariicdii iyo adeegyada loogu talagalay bulshada Jubbaland, iyadoo sidoo kale uu qayb ka yahay xoojinta isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







