Gudiga maaliyada ee barlamaanka Jubbaland oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Jubbaland.

1016

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah  Jubbaland Cabdi-Waaxid Maxamed dhaqane ayaa xarunta wasaaradda qorshaynta kulan kula-qaatay,Gudiga Arimaha maaliyada iyo Qorshaynta u qaabilsan Barlamaanka Jubbaland.

Agaasimaha  Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Jubbaland ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay wasaaradda ula shaqayso wasaaradaha kale iyo Xirrirka kala dhaxeeya dhinaca shaqada ee hay’adaha Samafalka  ee ku sugan Kismaayo.

Xildhibaan Abdirashiid oo ah xoghaya Gudiga qaabilsan Maaliyada iyo Iskaashiga caalamiga ah ayaa sheegay in ay doonayaan in ay ogaadaan hay’adaha ka shaqeeya dowlad Goboleedka Jubbaland iyo adeegyadda ay bulshadda u hayaan