
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan fogaan-arag ah oo diiradda lagu saaray diyaar-garowga iyo isku-duwidda dadaallada la xiriira fatahaadaha El Niño ee la filayo.
Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen isku-duwayasha Wasaaradda Ee Degmooyinka, ayaa lagu qiimeeyay xaaladda guud, xogaha laga helayo deegaanada kala duwan iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo saameynta fatahaadaha ku yeelan kara bulshada iyo kaabayaasha biyaha.
Sidoo kale, waxaa socda kulamo iyo wadatashiyo lagu qiimeynayo xaaladda, laguna diyaarinayo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee diyaar-garowga, ka hortagga iyo wax-ka-qabashada saameynta fatahaadaha.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







