
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabadda daahfurka Siyaasadda Isku-dubbaridka iyo Maareynta Deeqaha dowladda Jubaland.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay wasiirro, agaasimeyaal guud, wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyo sidoo kale ururrada bulshada rayidka ah.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa lagu soo bandhigay aragtida, ujeeddooyinka iyo muhiimadda siyaasaddan, iyadoo lagu xoojiyey xiriirka ay la leedahay Qorshaha Horumarinta Jubaland III (SDP-III) 2026–2030.
Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa isku-dubbaridka deeqaha, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si taageerada horumarineed ee Jubaland ay si wanaagsan ugu waafaqdo baahiyaha iyo mudnaanta bulshada.



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







