Wasaaradaha Caddaaladda iyo Amniga Jubbaland oo Qabtay Kulanka Afaraad ee Bahda Caddaaladda iyo Amniga

0
203

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jubbaland ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulanka billaha ah ee bahda caddaaladda iyo amniga, kaasi oo ah kii afaraad ee noociisa ah.

Kulankan waxaa ka soo qeyb galay hay’adaha kala duwan ee bahwadaagta la ah laamaha caddaaladda iyo amniga, iyadoo diiradda lagu saaray is-weydaarsiga xogaha la xiriira xaaladda amniga iyo caddaaladda ee Jubbaland. Intii uu socday kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday fursadaha lagu mideyn karo wadashaqeynta hay’adaha kala duwan ee ku howlan bixinta adeegyada caddaaladda iyo amniga, si bulshada loogu adeego si hufan oo isku dubbaridan.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu lafa-guray caqabadihii hore ee horey loogu soo bandhigay kulamadii hore, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray tallaabooyinka horey loo qaaday, horumarka laga gaaray xalintooda, iyo caqabadaha wali xannibaya dadaallada hay’adaha.

Ujeeddada ugu weyn ee kulankan billaha ah waxay ahayd in la xoojiyo iskaashiga iyo isu-duwidda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha caddaaladda iyo amniga, si loo ballaariyo helitaanka adeegyadaas ee guud ahaan deegaanada Jubbaland. Kulanku wuxuu fursad u noqday in hay’adaha bahwadaagta ahi ay si joogto ah isula jaanqaadaan, xog isweydaarsadaan, islamarkaana u mideeyaan dadaalladooda kor loogu qaadayo nabadda, cadaaladda, iyo kalsoonida bulshada.