
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland, oo kaashanaysa Hay’adda CERID/NIRAS, ayaa tababar ku saabsan Nutrition-Sensitive Agriculture (NSA) u qabatay Shaqaalaha Fidinta Beeraha ee Wasaaradda.
Tababarka waxaa bixinaya khubaro farsamo oo ka tirsan NIRAS Technical Experts, kuwaas oo kala ah Charles, Mikail iyo Yvonne, kuwaas oo shaqaalaha la wadaagaya aqoon iyo khibrad ku saabsan isku-xirka beeraha, wax-soo-saarka cuntada iyo nafaqada.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta Shaqaalaha Fidinta Beeraha ee ku saabsan kala-duwanaanshaha dalagyada, wax-soo-saarka cuntooyinka nafaqada leh, sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista nafaqada bulshada.
Khuburada NIRAS ayaa tababarka u bixinaya Shaqaalaha Fidinta Beeraha iyagoo adeegsanaya habka fogaan-aragga (online/virtual training), taas oo u suuragelinaysa khubarada inay si toos ah ula wadaagaan shaqaalaha aqoontooda iyo khibraddooda farsamo.
Iskaashiga Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland iyo CERID/NIRAS ayaa muhiim u ah xoojinta awoodda Shaqaalaha Fidinta Beeraha, si ay aqoonta iyo talooyinka la xiriira nafaqada ugu gudbiyaan beeraleyda iyo bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







