
Wafdi ka kooban labada gole ee Dowladda Jubbaland, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa maanta booqasho ku tagay deegaannada Buulo-Xaaji iyo Cabdalle Biroole.
Booqashada wafdiga ayaa ujeedadeedu ahayd in si dhow loo qiimeeyo xaaladda guud ee deegaannadaasi, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada.
Bulshada ku nool Buulo-Xaaji iyo Cabdalle Biroole ayaa wafdiga si diiran u soo dhaweeyayo iyga oo muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada Dowladda Jubbaland ee lagu xaqiijinayo amniga iyo horumarinta deegaannada la xoreeyay.
Wafdiga ayaa kulan iyo xog wareysi ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda deegaanka iyo baahiyaha jira.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Jubbaland ay ku xoojinayso xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la leedahay bulshada ku nool deegaannada kala duwan ee Jubbaland



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







