
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Danjire Arnaud Suquet.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada, xaaladda guud ee Soomaaliya, iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay horumarinta adeegyada bulshada, arrimaha bini’aadantinimada, iyo muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo horumarka.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







