Wasiirka caafimaadka dowlada Jubbaland oo xariga ka jaray cisbitaal casriya oo lagu soo kordhiyay magaalada Kismaayo

0
122

Munaasabad ballaaran oo lagu daahfurayay Isbitaalka Bahnaano oo dib-u-casriyeyn, ballaarin iyo qalabeyn casri ah lagu sameeyay ayaa lagu qabtay xarunta cusub ee isbitaalka oo ku taalla xaafadda Calanley (Ex Hotel Kismaayo). Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, agaasimayaal wasaaradeed, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Guddoonka Haweenka Degmada Kismaayo, dhakhaatiir, dhallinyaro iyo marti sharaf kale.