Dowladda Jubbaland oo War-saxaafadeed Kasoo Saartay Xaaladda Kalitalisnimo ee Kooxda Xasan Sheekh ay Dalka ku Wadaan

107

Dowladda Jubbaland ayaa waxay war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda halista ah ee uu dalku wajahayo iyo tallaabada xisbiga kooxda Xasan Sheekh ay ku beddeleen Golaha Wadatashiga Qaranka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada dowaldda Jubbaland ayaa lagu yiri sidan:

“Dowladda Jubbaland waxay aaminsan tahay in wixii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay muujinayaan xilkasnimo-darrada maamulka Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dalku uu ku jiro halis amni oo xooggan, haddana uu isku diyaarinayo xukun kali-talis ah iyo xisbi la mid ah kii kacaanka, oo aan tabar badan lahayn.

Tallaabadaas oo lid ku ah Dastuurka lagu heshiiyey ee heer Federaalka iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah JFS, waxay dhaawacaysaa midnimada dalka iyo abaabulka loogu jiro sidii shacabka Soomaaliyeed oo midaysan ay uga hortagi lahaayeen soo rogaal-celinta kooxaha Khawaarijta ah, oo ah halis weyn oo dalkeenna wajahayo.

Waxa si cad loo baalmaray doorkii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, oo markii la maroorsooday dhammaan awoodihii uu lahaa, noqday fadhiid aan sidii la rabay u gudan waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo korjoogtaynta Xukuumadda.

Dowladda Jubbaland waxay ugu baaqaysaa dhammaan saamilayda siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in loo istaago badbaadinta dowladnimada curdanka ah ee aan haysanno, taas oo haddii aan maanta wax laga qaban, god dheer ku ridaysa rajada shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada nabadeed ee dalkeenna.

Waxay Dowladda Jubbaland ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya inaysan jirin maanta maalin ay shacabka Soomaaliyeed uga baahi badan yihiin garab istaag dhab ah, isla markaana aan lagu daawan kooxda Xasan Sheekh Maxamuud iyo jihada ay dalka ku wadaan oo aan ahayn dhabihii saxda ahaa.