Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo ka qayb galay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan xasillinta, amniga iyo xalalka waara

0
85
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Abdiwaaxid Maxamed Dhaqane, ayaa ka qayb galay aqoon-is-weydaarsi socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsanaa xasillinta, amniga iyo xalalka waara, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).
Aqoon-is-weydaarsiga ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali.
Intii lagu guda jiray munaasabadda gebogabada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Abdiwaaxid Maxamed Dhaqane, ayaa sheegay in aqoon-is-weydaarsigani uu xoojiyey iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta horumarinta.
Waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-xirka dadaallada amniga, xasillinta iyo xalalka waara, si looga jawaabo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, loona
dardargeliyo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.