Ciidamadda Jubbaland iyo kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa khawaarijta

0
93

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Dowladda Jubbaland, ayaa saaka waaberigii howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Baqdaad oo hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka, oo isugu jiray duqeyn dhinaca cirka ah iyo weerar dhulka ah, ayaa ciidamada u suurtageliyay inay gudaha u galaan goobihii iyo godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo uu ku jiro madaxii maaliyadda ee kooxda u qaabilsanaa deegaannadaas.

Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu dilay laba horjooge iyo 12 xubnood oo kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta.

Dhanka kale, ciidamada ayaa howlgalka ku furtay hub iyo qalab kala duwan oo ay isticmaali jireen kooxda, kuwaas oo ay ka mid yihiin qoryo noocyo kala duwan leh, kombiyuutarro, iyo agab kale oo la sheegay inay u adeegsanayeen hawlahooda.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga deegaannada gobolka Jubbada Hoose.