Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland oo Shirka Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Shaqaalaha Wasaaradda

0
115
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa maanta guddoomiyay shirka billaha ah ee shaqaalaha wasaaradda oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.
Shirka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud Ee wasaarada Caafimaadka Dowlada Jubaland Mudane maxamed xuseen maxamed, Agaasime waaxeedyada, saraakiisha wasaaradda iyo isku-duwayaasha caafimaadka gobollada iyo degmooyinka Jubaland, iyadoo qaar ka mid ah ay uga qayb galeen habka fogaan-aragga.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinnada waxqabadkii bishii lasoo dhaafay, waxaana diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha mudnaanta leh iyo xoojinta adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Gabagabadii, Wasiir Isma

aciil Axmed Garas ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha dadaalkooda, wuxuuna ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee Jubaland.