Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta tegaya dalka Itoobiya

460

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday dalka Jabuuti ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana la filayaa in Maalinta Gelinka dambe uu tago Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti waxaa uu kulan la qaatay dhigiisa dalkaas, isaga oo uga xog warramay xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu tago Magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal gaar ahaan xoojinta Amniga maadaama Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku howlgalla Magaca AMISOM ay joogaan Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in booqashooyinka uu Madaxweynaha ku tagayo dalalka Gobolka ay billow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Soomaaliya ee dalalkaas, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.