Guddoomiyaha degmada Afmadow oo si diirran loogu soo dhaweeyay degmada

0
100
Guddoomiyaha Degmada Afmadow ayaa  si diirran loogu soo dhaweeyay degmada, kadib safar shaqo oo uu muddo ku maqnaa.
Munaasabadda soo dhoweynta ayaa ka dhacday afaafka hore ee degmada, waxaana ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid ahaayeen dhalinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada.
Masuuliyiintii iyo xubnihii bulshada ee munaasabadda ka hadlay ayaa ku ammaanay guddoomiyaha dadaallada uu ku bixiyo horumarinta degmada Afmadow, xoojinta amniga, kobcinta wada shaqeynta bulshada iyo maamulka, iyo u adeegidda shacabka.