Somaaliya oo ka qeyb-galaysa Fadhiga 33-aad ee wasiirada Maaliyadda Jaamacadda Carabta

109

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeyb galay Fadhiga 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Manama ee xarunta boqortooyada Bahrain.

Shirkaan oo ah kii sanadlaha ahaa ee Madaxda Carabta ayaa qeybtiisa heerka Wasiir-Maaliyadeed oo hal maalin ahaa waxaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee dhaqaalaha Dalalka Carabta, in wadajir looga shaqeeyo horumarinta xasiloon ee dhaqaalaha iyo in la abuuro fursadaha sare loogu qaadayo maalaglinta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi I. Cige oo kulanka kadib qoraal kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter ka ayaa sheegay in sidoo kale shirka looga dooday arrimo muhiim u ah oo ay ka mid tahay horumarta dhaqaalaha Soomaaliya.