
Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ayaa maanta lagu qabtay shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta nidaamka isku-filnaanshaha iyo dib-u-soo-celinta kharashaadka adeegyada caafimaadka ee laga bilaabayo Isbitaalka Guud ee Kismaayo.
Shirka waxaa shir-guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, waxaana ka qayb galay saraakiil ka tirsan Wasaaradda, maamulka Isbitaalka Guud ee Kismaayo, iyo wakiillo ka socday hay’adda Save the Children.
Intii uu shirka socday, hay’adda Save the Children ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Wasaaradda Caafimaadka iyo maamulka Isbitaalka Guud ee Kismaayo qaybihii ay hore uga taageeri jirtay isbitaalka, kadib markii uu soo dhammaaday mashruucii ay ku taageeraysay adeegyada caafimaadka. Mashruucaas ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta awoodda Isbitaalka Guud ee Kismaayo iyo u diyaarintiisa inuu gaaro isku-filnaansho dhanka bixinta adeegyad caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, iyadoo tixgelinaysa hoos u dhaca taageerada caalamiga ah ee horumarineed ee Soomaaliya, ayaa dejisay Siyaasadda Dib-u-soo-celinta Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka, taas oo ay horay u ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland. Siyaasaddan ayaa ujeeddadeedu tahay sugidda joogtaynta iyo isku-filnaanshaha adeegyada caafimaad ee laga bixiyo deegaannada Jubaland.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay Isbitaalka Guud ee Kismaayo ku kordhisay dhismayaal cusub, qalab caafimaad oo casri ah, iyo horumarin kale oo lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaadka. Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah diyaarinta hirgelinta nidaamka dib-u-soo-celinta kharashaadka adeegyada caafimaadka, si loo hubiyo sii socoshada adeegyada muhiimka ah iyadoo la tixgelinayo hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta nidaam caafimaad oo waara, tayo leh, isla markaana awood u leh inuu si joogto ah ugu adeego bulshada Jubaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







