
Qeybah kala duwan Ciidanka Dowladda Jubbaland iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay deegaanka Tuulada Harboole, oo 30 km u jirta Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.
Howlgalka waxaa barbar socday duqeymo ay fulinayeen diyaaradaha saaxiibada caalamka.
Waxaa nolol lagu soo qabtay mid kamid ah maleeshiyaadka Khawaarijta oo ka tirsanaa firxadkii cadowga. Dhagar-qabahan oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Aadan, oo Khawaarijtu u taqaannay Aadan Haashim, ayaa markii la qabtay watay qori noociisu yahay AK-47.
Wareysi hordhac ah oo lala yeeshay ayuu ku sheegay in uu jahawareer soo wajahay kaddib markii uu muddo toddobaadyo ah la kulmayay dagaallo iyo duqeymo joogto ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in saaxiibbadiis ay u kala qeybsameen dhimasho iyo dhaawac, taasoo ugu dambeyn sababtay in ciidamada geesiyaasha ee Dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ay gacanta ku dhigaan isaga oo ku sugan xaalad jahawareer ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







